إعدادات العرض
Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee Qofka i maqla ee Ummaddaan ka mid ah Yahuudi ama Nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaan doonaa kuwa naarta gelaya
Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee Qofka i maqla ee Ummaddaan ka mid ah Yahuudi ama Nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaan doonaa kuwa naarta gelaya
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- uu yiri: "Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee Qofka i maqla ee Ummaddaan ka mid ah Yahuudi ama Nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaan doonaa kuwa naarta gelaya".
الترجمة
العربية Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी বাংলা Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ئۇيغۇرچە ไทย دری Кыргызча or Kinyarwanda नेपाली Română Lietuvių Malagasy ಕನ್ನಡ Oromoo Nederlands Српски Українська Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyar Tagalog Македонскиالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku dhaartay Qofka maqla Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo dacwada Islaamku gaadho, yahuudi iyo kiristaan ama qayrkoodba ha ahaadee, ee dhinta isagoon Islaamin, inuu ahaanayo mid naarta gala oo ku waaraya waligiiba.فوائد الحديث
Risaalada Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-waa Diin ay u siman yihiin dhamaan Aduunka waxa ku nool dhamaan, waajibna ay ku tahay in dadkoo dhami raacaan, oo ay waliba nasakhday dhamaan Sharciyadii iyada ka horeeyey dhamaan.
Qofka ku gaalooba Nabiga-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- ma anfacayso sheegashadiisa ah inuu rumaysan yahay Nabiyada kale- naxariis iyo nabadgelyo Allaha siiyo dhamaan-.
Qofka aan maqlin Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo aanay Diinta Islaamku gaarin waa loo cudur-daarayaa, arinkiisuna Aakhiro Ilaahay ayuu u yaallaa.
Qofku Islaamka wuu ku intifaacayaa inta geerida ka horaysa, haduu xataa aad u jiran yahay ilaa ay Ruuxdu soo gaarto Dhuunta.
Diinta Gaalada in sax lagu sheego iyadoo ay ku jiraan tan Yahuuda iyo tan Kiristaanku waa Gaalnimo.
Yahuuda iyo Nasaaradaa lagu xusay Xadiiskaan waxay baraarujin u tahay Gaalada kale, waayo Yuhuuda iyo Nasaaradu waxay leeyihiin kitaabka, haduu xaalkoodu sidaa yahay, kuwa iyagu aan wax kitaaba lahayni wayba kasii daran yihiin, oo dhamaantood waxaa ku waajib ah, inay Ilaahay Diintiisa soo wada galaan, Nabigana-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wada adeecaan.