إعدادات العرض
Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada
Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada
Macqal Binu Yasaar AlMusani Allaha ka raali ahaadee waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Malagasy Български Українська Azərbaycan ქართული bm тоҷикӣ Македонски Ελληνικά kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qof kasta oo Ilaahay Masuul uga dhigay dad, ha noqoto masuuliyad guud sida Madaxweyne, ama masuuliyad gaara sida tan ninka ka saaran gurigiisa, ama Gabadha ka saaran Gurigeeda, hadii ay dayacaan wixii masuulka looga dhigay, ama ay khiyaaanan oo aanay u naseexayn, oo dayacaan xuquuqdooda Diineed iyo tan Aduunyo, waxay mutaysanayaan ciqaabtaas adag.فوائد الحديث
Goodigaasi gaar kuma aha Madaxwaynaha iyo ku Xigeenadiisa, balse waa mid guud oo loo jeedo qofkastoo Ilaahay Madax uga dhigay dad.
Waxaa waajib ku ah Qofkasta oo Masuul ka noqda arin Muslimiintu leeyihiin inuu u naseexeeyo, kuna dadaalo inuu Amaanada guto, oo dadka uga digo khiyaanada.
Xadiiska waxa ku sugan weynida ay leedahay Qof walba ee qaada Mas'uuliyad guud Bulshada ama mid gaara, ha noqoto mid weyn ama mid yare.
التصنيفات
Siyaasada Sharciga ah