Ilaahay kama dulmiyo muuminka xasano adduunka wuu ku siiyaa aakhirona

Ilaahay kama dulmiyo muuminka xasano adduunka wuu ku siiyaa aakhirona

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yidhi: wuxuu yidhi Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: Ilaahay kama dulmiyo muuminka xasano adduunka wuu ku siiyaa aakhirona wuu ku abaal mariyaa, gaalkase xasanaadkii uu aduunka Ilaahay darti ugu sameyey ayaa lagu quudin intuu joogo adduunka, markuu aakhiro yimaadna mahelaayo xasano lagu abaal mariyo.

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Muslim.]

الشرح

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey mu`minka Ilaahey fadliga uu siiyey waynidiisa, iyo inuu cadaalad u sameeyey gaalada. Mu'uminka laga nusqaamiyo ajar xasano uu sameeyey, balse adduunkaa lagu siin ajarka daacadisa, iyado Ilaahay u keydinaayo ajarka lagu abaal marindoon aakhiro, waxaana dhaci karta in aakhiro loogu keydiyo ajarka oo dhan . Gaalka Ilaahay wuxuu aduunka ku siinayaa ajarka xasanaadkii uu adduunka ku sameeyey, markuu aakhiro yimaadona ma helaayo ajar lagu abaal mariyo, waayo camalka wanaagsan ee qofka anfacaya labada daarood waa inuu qofku mu'umin yahay.

فوائد الحديث

Qofkii ku dhinta gaalnimo camal anfacayaa ma jiro.

التصنيفات

Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka, Nolosha Aakhiro, Islaam