Muslimku waa qofka ay muslimiintu ka nabad galeen carabkiisa iyo gacantiisaba, muhaajirkuna waa qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay

Muslimku waa qofka ay muslimiintu ka nabad galeen carabkiisa iyo gacantiisaba, muhaajirkuna waa qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay

Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado- isaga iyo aabhiye wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: "Muslimku waa qofka ay muslimiintu ka nabad galeen carabkiisa iyo gacantiisaba, muhaajirkuna waa qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay."

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in Muslimka islaamnimadiisu kaamilka tahay uu yahay midka Muslimiintu ka nabad galaan carabkiisa ee aan caayin, oo nacaladin, oo xamanin, oo dadka la dhex qaadin wax dhib ah oo uu ka gaysto carabkiisa. Muslimiintuna ka nabad galaan gacantiisa oo aan ku xad gudbin, oo aan ku qaadan xoolahooda xaq daro, iyo wixii la mida. Muhaajirkuna waa qofka ka dheeraada waxa uu Ilaahay ka xarimay.

فوائد الحديث

kaamilnimada Islaamka la ma gaaro in dadka dhibka laga daayo maada ahaan iyo macnawi ahaanba maahee.

Carabka iyo gacanta waxaa si gaara loogu xusay, gafkooda iyo dhibaatadooda oo badan, waayo sharta ugu badan iyagay ka timaadaa.

waxaa la isku boorinayaa in laga tago macaasida oo lagu sugnaado wixii Ilaahay faray.

Muslimiinta waxaa ugu fadli badan qofkii guta xaqa Ilaahay leeyahay iyo xuquuqda Muslimiinta.

Xadgudubku wuxuu noqo karaa hadal ama ficil.

Hijrada kaamilka ahi waa in laga tago wixii Ilaahay xarimay.

التصنيفات

Imaanka siyaadadiisa iyo nuqsaantiisa, Akhlaaqda wanaagsan, Aadaabta Hadalka iyo Aamuska