إعدادات العرض
Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro, qubuuraha Nabiyadooda ayey Masaajid ka dhigteen
Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro, qubuuraha Nabiyadooda ayey Masaajid ka dhigteen
Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka wada raali ahaadee waxaa laga wariyey inay yiraahdeen: Markuu ku soo degay Rasuulka Ilahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee sakaraadka geeridu wuxuu bilaabay inuu wajiga iska saaro cimaamad uu lahaa, markuu sakaraadku ku sii kordhana wuu iska qaadayey, wuxuu yiri isagoo xaaladaa ku sugan:" Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro, qubuuraha Nabiyadooda ayey Masaajid ka dhigteen" wuxuu ka digey waxay sameeyeen.
الترجمة
العربية Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tagalog বাংলা Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ Русский Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە ไทย دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली Malagasy or ಕನ್ನಡ Oromoo Română Српски Wolof Українська Moore Azərbaycan ქართული Magyar mr Македонски bm አማርኛالشرح
Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxay inoo sheegeen in markii Rasuulka Ilahahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ku dhacay sakaraadku, inuu bilaabay inuu wajiga iska saaro maro, marka neeftu ku dhagto sakaraadka awgii uu iska qaadayey, wuxuuna dhahayey isagoo xaaladaa adag ku jira: Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro oo ha ka fogeeyo naxariistiisa, sababtoo ah waxay ka dul dhiseen qubuuraha Nabiyadooda Masaajid, haduuna arinkaasi khatar weyn ahayn Nabiga oo xaalad sakaraad taagan muuna sooqaadeen, sidaa darteed wuxuu ka reebay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ummaddiisa inay sidasoo kale la yimaadaan oo ay u ekaadaan Yuhuuda iyo Nasaarada, waayo waa ficil Yuhuud iyo Nasaaro ay ku tilmaaman yihiin, waana wax u jiidi kara Qofka inuu Ilaahay u shariig yeelo.فوائد الحديث
Waa la reebay in laga yeesho qubuuraha Nabiyada iyo saalixiinta masaajid lagu tukado, waayo ariinkaasi wuxuu horseedayaa shirki.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahmiyad wayn siiyey ilaalinta tawxiidka, iyo cabsida uu ka qabay waynaynta qubuuraha, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa Ilaahay oo loo shariig yeelo.
Waa banaan tahay in la lacnado Yuhuuda iyo Nasaarada iyo cid kastoo samaysa waxay sameeyaan ee ah qabuuraha oo laga dhiso, Masaajid.
Dhisida qubuuruhu waa dhaqan Yuhuud iyo Nsaaro, xadiiskaana waxaa ku jira inay reeban tahay isku ekaysiintoodu.
In looga ekaado in qabuurta laga dhigo Masaajid lagu tukado ama xageeda loo tukado hadii aan xataa Masjid laga dhisin.
التصنيفات
Towxiidka Ilaahnimada