إعدادات العرض
Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado
Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado
Xudayfa -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- uu yiri: "Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Hausa Kurdî Kiswahili Português සිංහල Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Tiếng Việt ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or नेपाली Malagasy Kinyarwanda తెలుగు Lietuvių Oromoo Română മലയാളം Nederlands Српски Українська Deutsch ಕನ್ನಡ Wolof Moore Shqip ქართული Azərbaycan Magyar Македонски தமிழ் မြန်မာالشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu qofka muslimka ahi dhoho: hadii Ilaahay ogolaado hebelna ogolaado." Ama hadii Ilaahay doono iyo Hebel, Waayo doonista Ilaahay iyo Iraadadiisu waa mid guud oo Isaga u gaara oo aan cidna la wadaagin. Adeegsiga xarafka waaw oo loo adeegsado isku xirka (iyo) wuxuu tusayaa oo loo fahmayaa in lala wadaagayo Ilaahay wuxuu xukumayo, iyo in cid lala simayo Ilaahay-isagaa nusqaan oo dhan ka hufane-. laakiin wuxuu oran: hadii Ilaahay ogolaado, ka dibna Hebel ogolaado, oo wuxuuna ka dhigayaa rabitaanka iyo doonista Adoonku inay ku xiran tahay doonitaanka Ilaahay isagoo oranaya: xarafka (suma), oo macnihiisu yahay (ka dib), wuxuuna ka leexanayaa oo iska ilaalinayaa xarafka (waaw), waayo xarafka (suma) wuxuu faa'iidaynayaa oo loo fahmayaa ka daba geyn, iyo ka danbayn.فوائد الحديث
Waxaa ku sugan Xadiiska inuu xaaraan yahay hadalka: "wuxuu Ilaahay ogolaado ee adna aad ogolaatid", iyo Ereyada la midka ah kuwaasoo laga fahmayo in Ilaahay wax lagu lamaaninaayo, sida adeegsiga xarafka waaw, oo macnihiisu yahay (iyo), waayo hadalka noocaas ahi waa Shirkiga Ereyada iyo Hadalka.
Xadiiska waxaa ku sugan inay banaan yahay hadalka: '' waxa Ilaahay ogolaado ka dibna aad ogolaato'', iyo Ereyada u eg ee Ilaahay lagu larayo Ereyga lagu dhawaaqi '' suma'', waayo Ereygani macnihii laga cararayey ma laha.
Xadiiska waxaa ku sugan in Ilaahay loo sugayo Mashii`ada, Adoonkana loo sugay Mashii`ada, laakiin Mashii`ada Addoonku tan Ilaahay ayey raacsan tahay, oo ma yeelan karo Mashii`ad tan Ilaahay ka Madax banaan.
Xadiiska waxaa ku sugan inay reeban tahay in khalqiga lala wadaajiyo Mashii`ada Ilaahay Erey ahaanba ha ahaatee.
Qofka oronaya Ereyga haduu rumaysaysan yahay in Mashii`ada Adoonku la mid tahay Mashii`ada Ilaahay oo ay la siman tahay si guud ahaaneed, ama uu rumeeyo in Adoonku leeyahay Mashii`o gaara oo tan Ilaahay ka baxsan waa shirki weyn, hadiise uu rumeeyo in Mashii`ada Adoonku tan Ilaahay ka hoosayso waa shirki yar.
التصنيفات
Towxiidka Ilaahnimada