Dadku haday arkaan daalimka oo ay gacmaha ka qaban waayaan waxay u dhowdahay in Ilaahay ciqaabkiisu ku wada dhoco

Dadku haday arkaan daalimka oo ay gacmaha ka qaban waayaan waxay u dhowdahay in Ilaahay ciqaabkiisu ku wada dhoco

Abii Bakar Sadiiq-Allaha ka raalli ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Dadow waxaad akhridaan aayadan: {kuwa iimaanka lahoow, naftiinaa ayaad masuul ka tihiin, oo waxba idin yeelimaayo midka xaqa diiday hadaad idinku hanuuntaan}, waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- isagoo dhahaya: "Dadku haday arkaan daalimka oo ay gacmaha ka qaban waayaan waxay u dhowdahay in Ilaahay ciqaabkiisu ku wada dhoco."

[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay Ibnu Maajah - Waxaa wariyay At-tirmidi - Waxa wariyay Abuu Daa'uud - Waxa wariyay Axmed]

الشرح

Abuu bakar -Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu sheegay in dadku akhriyaan aayadan: {kuwa iimaanka lahow naftiina ayaad masuul ka tihiin, oo waxba idin yeelimaayo midka xaqa diida hadaad idinku hanuuntaan} [al-ma`ida:105]. waxayna ka fahmayaan in qofka ay waajib ku tahay inuu islaaxiyo naftiisa oo qura, intaa ka dibna dhibimayso baadida qofkii baadiyooba, oo dadka laga doonimaayo inay wanaaga faraan oo xumaanta reebaan. Waxaanse u sheegay inuusan arinku sidaa ahayn, oo inuu ka maqlay Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-isagoo dhahay: Dadku haday arkaan daalimka oo ay dulmiga ka celin waayaan, iyagoo awood u leh inay ka celiyaan, waxay u dhawdahay in Ilaahay ciqaabkiisku ku wada dhaco, kan xumaanta samaynaya iyo kan ka aamusanba.

فوائد الحديث

Muslimiinta waxaa waajib ku ah inay isu naseexeeyaan oo wanaaga is faraan oo xumaanta iska reebeen.

Ciqaabta Ilaahay ee guud ahaaneed waxay wada gaaraysaa kan dulmiga sameeyey, iyo kan ka aamusay oo ka celin waayey haduu awood u leeyahay inuu ka celiyo.

Waa in dadka caamada ah wax la baro oo si sax ah loo fahamsiiyo quraanka.

Waxaa dadka ku waajib ah inay aqoon u yeeshaan oo fahmaan kitaaba Ilaahay casa wajala, si aan dadku u fahmin quraanka wax ka duwan macnihii Ilaahay ku soo dajiyey.

Dadku ma soo hanuunayaan hadii laga tago in wanaaga la faro oo xumaanta la reebo.

Tafsiirka aayada ee saxda ah waa: waxaa idinku waajib ah inaad naftiina ka ilaaliya macsida, hadaad ka ilaalisaan naftiina xumaanta idin dhibi maayo hadii aad kariwaydaan inaad wanaaga fartaan xumaantana reebtaan dhumida qofkii dhumay oo la yimaada wixii laga reebay hadii aad adinku hanuuntaan oo aad ka fogaataan xumaanta.

التصنيفات

Xugunka macruufka oo la faro iyo xumaanta oo la reebo