إعدادات العرض
Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta
Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu oran jiray: "Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta".
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी සිංහල Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە தமிழ் ไทย دری Български Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek Akan नेपाली Moore Azərbaycan Wolof Oromoo Українська bm km rn ქართული Македонски Српски Ελληνικά አማርኛالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Salaadaha Shanta ah ee la isku farad yeelay Maalinta iyo Habeenka, iyo Salaada Jumcaha ee Usbuucii mar ah, iyo Soonka oo Bisha Ramadaan oo Sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa weyn. Dambiyada waaweyn sida Sinada iyo Khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.فوائد الحديث
Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn.
Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waaweyn.
Danbiyada waaweyni waa dambiyada ay ku soo aroortay Xad Aduunka ah ama loogu goodiyey in Aakhiro la cadaabayo, ama Ilaahay u caroonaya, ama ku soo aroortay hanjabaad ama la lacnadayo kan ficilka sameeyey sida sinada iyo khamri cabida.