إعدادات العرض
Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa
Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa
Abuu Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri: "Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt සිංහල ئۇيغۇرچە Hausa Kurdî Kiswahili Português دری অসমীয়া አማርኛ Svenska ไทย Yorùbá Кыргызча ગુજરાતી नेपाली Română മലയാളം Nederlands Oromoo తెలుగు پښتو Kinyarwanda Malagasy ಕನ್ನಡ Српскиالشرح
Wuxuu Nabigu ku booriyey dadku inay ku dadaalaan salaada labada qabaw ee ah salaada fajarka iyo casarka, wuxuuna ugu bishaareeyey qofka labadaa salaadood xaqooda ula yimaada ee ilaaliya waqtigooda, jamaacana ku tukada, waxay sabab ugu noqdaan janada galideeda.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa ku cad fadliga salaada fajarka iyo casarka, waayo fajarku waa waqtiga hurdadu ugu macaan tahay, casarkuna wuxuu ku beegan yahay waqti dadku ku mashquul yahay shaqadiisa, qofka labadaa salaadood ilaaliya waa hubaal inuu kuwa kalana ilaalinaayo.
Salaada fajarka iyo casarka waxaa lagu magacaabay labada qabaw, waayo salaada subax waxaa jooga qabawga habeenka, salaada casarna waxaa jooga qabowga maalintii inkasta oo ay tahay waqti kulul waxayse ka qabowdahay waqtigii ka horeeyey ama waxaa loogu magacaabay in magacu qaalib ka noqday sida loo yiraahdo qoraxda iyo dayaxa: Alqamaraan.
التصنيفات
Fadliga Salaada