Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga

Abii Hurayra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu badan ee Naarta lagu galo, wuxuuna yiri: "waa Afka iyo Farjiga."

[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey asbaabta ugu wayn ee Janada lagu galo inay yihiin labo sababood oo ah: Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan. Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay. Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo. Asbaabta ugu wayn ee Naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah: Carabka iyo Farjiga. Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: Beenta, Xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah. Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: Sinada, Khaniisida, iyo wixii la mid ah.

فوائد الحديث

Galitaanka Janadu waxay leedahay sababo Ilaahay ku xiran, waxaana ka mida Ilaahay cabsidiisa, iyo sababo dadka ku xiran, waxaana ka mid ah: akhlaaq wanaaga.

Khatarta Carabku u leeyahay Qofka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta Naarta lagu galo.

Khatarta Shahawaadka iyo Fuxshigu u leeyihiin dadka, iyo inay ka mid yihiin asbaabta ugu badan ee Naarta lagu galo.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan, Sifooyinka Janada iyo Naarta