إعدادات العرض
(Ilaahay waa u kaadiyaa daalimka markuu qabtase ma siidaayo
(Ilaahay waa u kaadiyaa daalimka markuu qabtase ma siidaayo
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: (Ilaahay waa u kaadiyaa daalimka markuu qabtase ma siidaayo), wuxuu yiri: ka dibna wuxuu akhriyey: {waa sidaa uun markuu rabigaa qabto magaalooyin dulmi falay, Rabigaa qabashadiisu waa mid aad u daran} [huud:102]).
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt සිංහල Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە Kiswahili தமிழ் دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Azərbaycan mr ქართული тоҷикӣ bm Oromoo Македонскиالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye-in lagu dhegenaado oo lagu socdo dulmiga sida macsida iyo shirkiga, oo laga dulmiyo dadka xaqooda, Ilaahay koreeyee, wuu u kaadiyaa qofka daalimka ah cimrigana wuu u dheereeyaa, maalkiisana wuu u daayaa oo ciqaabta kuma dedejiyo, haduu towbo keeni waayose wuu qabtaa oo masiidaayo umana dhaafo dulmigiisii badan awgi. Ka dibna wuxuu akhriyey Nabigu scw -: {Waa sidaa qabashada Rabigaa markuu qabto magaalooyin dulmi falay, Ilaahay qabashadiisu waa mid oo aad u daran} [huud:102].فوائد الحديث
Qofka caqliga lehi waa inuu u degdego towbada, oo Ilaahay makrigiisa uusan aamin ka ahaan haduu yahay mid dulmi ku socda.
Ilaahay casa wajala waa u kaadiyaa daalimiinta kumana soo dadajiyo cuquubada iyago loo seeto dheeraynaayo cadaabkana loo laalaabo hadaysan towbad keenin.
Dulmigu waa asbaabta ummadduhu umutaan ciqaabta Ilaahay.
Hadii Ilaahay halaago magaalo waxaa dhici kara in dad saalixiina ku jiraan, kuwaa waxaa lagu soo saarayaa qiyaamaha waxay ku dhinteen ee wanaag ahaa, dhibna kuma haynayso inay ciqaabta kula jireen kuwa daalimiinta ah.