إعدادات العرض
Bismi Allah dheh oo midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga
Bismi Allah dheh oo midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga
Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu dhahay: Anoo ah wiil yar oo ku nool guriga Nabigu scw ayey gacantaydu xeerada ku dhex wareegtay markaasaa Rasuulku scw igu yiri: yarow Bismi Allah dheh oo midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga, intii ka danbaysay sidaas ayaan u cuni jiray cuntada.
الترجمة
العربية Bosanski English فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو हिन्दी 中文 বাংলা ئۇيغۇرچە Español Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ ไทย 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands Hausa دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली Malagasy Italiano or ಕನ್ನಡ Oromoo Română Српски Wolof Українська Moore Tagalog Azərbaycan ქართული Magyarالشرح
Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga scw ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana gacanta ku hayay oo tarbiyeynaayey Nabiga scw isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu scw wuxuu baray saddexdan aadaabta cuntada ku saabsan.: Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada. Tan 2aad: midigta oo lagu cuno. Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.فوائد الحديث
Aadaabta cunida iyo cabida waxaa ka mida Bisika oo lagu bilaabo.
Waa muhiim in caruurta la baro aadaabta, gaar ahaana kuwa qofku masuulka ka yahay.
Waa Nabiga scw naxariistiisa waasica ah iyo dulqaadkiisa markuu caruurta wax barayo oo uu tarbiyeynaayo.
Waxaa ka mid ah aadaabta cuntada inuu ka cuno dhinaca isaga soo xiga hadayna ahayn cuntadu noocyo kala duwan, markaa waxaa u banaan tahaty inuu ka qaato shay walba halkuu yaallo.
Asaxaabtu waxay qaadan jireen aadaabta uu baray Nabigu scw arinkaana waxaa laga fahmayaa hadalka Cumar Binu Abii Salama: intii ka danbaysay sidaas ayaan cuntada u cuni jiray.
التصنيفات
Aadaabta Cunida iyo Cabida