إعدادات العرض
Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa
Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Kurdî Oromoo Wolof Français Tagalog Azərbaycan Українська bm தமிழ் Deutsch ქართული Português Македонски Magyar Русский فارسی 中文 km Malagasyالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey munaafaqa xaalkiisa iyo inuu la mid yahay ri` ku dhex wareertay labo ari kii ay raaci lahayd. Ri`daas oo mar xayntaa arigaa u tagaysa marna xayntaa kale. Munaafaqiintu waxay ku dhex wareersan yihiin Iimaanka iyo kufriga, Muuminiinta u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, gaaladana u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, balse waxay ka ag muuqdaan Muuminiinta, waxaa uurkooda ku jira shaki iyo walaac, qalbigoodu mar wuxuu raacin kuwaa, marna kuwaa kale.فوائد الحديث
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ka mid ahaa dhaqankiisa inuu tusaale soo qaato si uu macnaha u soo dhaweeyo.
Waa cadayn xaalada munaafaqiinta oo ah walaac iyo shaki iyo xasilooni daro.
Waxaa laga digay xaalka munaafaqiinta, waxaana la isku booriyey runta iyo in lagu adkaysto iimaanka daahir ahaan iyo baadin ahaanba.
التصنيفات
Nifaaqa