Bilaalow, salaada aqiim oo noogu raaxee

Bilaalow, salaada aqiim oo noogu raaxee

Saalim Binu Abii Jacdi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: nin ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan nasto, waaba iyadoo aad moodid inay arinkaa ku ceebeeyeen, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw waxaan maqlay isagoo dhahaya: "Bilaalow, salaada aqiim oo noogu raaxee".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Abuu Daa'uud]

الشرح

Nin asaxaabta ka mid ahaa ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan raaxaysto, dadkii la fadhiyey ayaa arinkaa ku ceebeeyey, wuxuu yiri: Nabiga scw ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: Bilaalow! kor u qaad aadaanka oo salaada aqim, si aan ugu raaxaysano, taasina waa waxa ku jira salaada ee ah Ilaahay la sheekaysigiisa iyo raaxada ruuxda iyo qalbiga.

فوائد الحديث

Raaxada qalbigu salaaday ku jirtaa, waayo waxaa ku jira salaada Ilaahay la sheekaysigiisa.

Waa in lagu inkiro qofka cibaadada ka caga jiida.

Qofka guta waajibka saaran, ee masuuliyada saaran ka soo baxa, wuxuu helayaa oo uu dareemayaa raaxo iyo xasilooni.

التصنيفات

Fadliga Salaada, Aadaanka iyo Iqaamada