qofka xirta xirsi Ilaahay ayuu u shariig yeelay

qofka xirta xirsi Ilaahay ayuu u shariig yeelay

Cuqba'a Binu Caamir Aljuhani-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: "In Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ay u yimaadeen koox rag ah, wuxuuna la mubaayacooday sagaal nin (islaamnimaduu kula balamay), nin ragaa ka mid ahaana wuu ka joogsaday oo lama mubaayacoon, waxayna ku dheheen: Rasuulka Ilaahayow sagaalna waad la mubaayacootay ninkana waad ka tagtaye maxaa jira? wuxuu yiri: "isagu xirsi ayuu xiran yahay", gacantuu geliyey ninkii oo wuu iska jaray, markaasuu suubanuhu la mubaayacooday, wuxuuna Nabigu yiri: "qofka xirta xirsi Ilaahay ayuu u shariig yeelay."

[Xadiis Xasan ah] [Waxa wariyay Axmed]

الشرح

Rag koox ah ayaa Nabiga u yimid-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- tiradoodu waxay ahayd toban, sagaal iyaga ka mid ah ayuu Nabigu islaamnimada iyo inay isaga raacaan kula mubaayacooday, ninkii tobnaadna wuu ka istaagay, markii la waydiiyey sababta uu uga tegay wuxuu yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: Ninkani wuxuu xiran yahay xirsi, waana wax la xirto ama la gashado sida kuusha iyo wixii la mida si ay u celiso isha iyo wixii dhib ah. Ninkii wuxuu gacantiisa geliyey halkuu kaga xirnaa xirsigu, wuuna gooyey oo iska tuuray, Nabiguna-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markaasuu la balamay, wuxuuna yiri isagoo ka digaya xirsiyada xugunkoodana cadaynaya wuxuu yiri: (Qofkaii xirsi xirta shirki ayuu sameeyey ).

فوائد الحديث

Qofkii cuskada cidaan Ilaahay ahayn Ilaahay wuxuu kula tacaamilaa wuxuu doonaayey lidkeeda.

hadii la rumeeyo in hadii xirsiga la xirto uu sabab u yahay inuu celiyo dhibka iyo isha waa shirki yar, hadiise uu rumeeyo in xirsigu isagu uu nafac leeyahay waa shirki wayn.

التصنيفات

Towxiidka Ilaahnimada