waxaan ku dhahanay: adaa sayid kayaga ah, wuxuu yiri -Rasuulku scw-: "sayidku waa Allaah", waxaan dhahnay: adaa noogu fadli badan, noogu deeqsisan, wuxuu yiri: "waar hadalkiina caadiga ah dhaha, oo yaanu shaydaanku idin duufsan

waxaan ku dhahanay: adaa sayid kayaga ah, wuxuu yiri -Rasuulku scw-: "sayidku waa Allaah", waxaan dhahnay: adaa noogu fadli badan, noogu deeqsisan, wuxuu yiri: "waar hadalkiina caadiga ah dhaha, oo yaanu shaydaanku idin duufsan

Cabdullaahi Binu Shakhiir-Allaha karaali ahaadee- wuxuu yiri: Waxaan u raacay wafdi reer bani Caamir ah Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaan ku dhahanay: adaa sayid kayaga ah, wuxuu yiri -Rasuulku scw-: "sayidku waa Allaah", waxaan dhahnay: adaa noogu fadli badan, noogu deeqsisan, wuxuu yiri: "waar hadalkiina caadiga ah dhaha, oo yaanu shaydaanku idin duufsan."

[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo Axmed]

الشرح

Dad kooxa ayaa Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-u yimid, markay soo gaareen bay dheheen - iyaga oo Suubanaha ku amaanaya ereyo qaarkood oo uu dhibsaday-: waxayna dheheen: ..adaa sayidkayaga ah.., Nabigu scw wuxuu ku yiri: naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee: .. sayidku waa Allaah.. Isagaa sayid kaamila u ah khalqigiisa, iyaguna waa adoomadiisa. waxay dheheen: adaa ..noogu fadli badan.. nooguna sarreeya derejo, sharaf iyo martabad ahaanba. Adigaa noogu wayn, oo noogu deeqsisan oo noogu sareeya oo noogu sharaf badan. Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay- inay sidaa orane ay hadalkooda caadiga ah ay dhahaan, oo aysan isku kalifin ereyo, oo shaydaanku aanu ku riixin xad gudub iyo ku taxtaga keenaaya in lagu dhoco shirki xaaran ah iyo dariiqyada shirkiga.

فوائد الحديث

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- aad buu ugu waynaa quluubta asaxaabta, waxayna u hayeen ixtiraam.

Waxaa la reebay in hadalka la isku kalifo oo la iska doon-doono, waxaana lagu booriyey inay dhahaan hadal dhexdhexaad ah.

Tawxiidka waa in laga ilaaliyaa wixii wax u dhimaya ee hadal ah ama camal ah.

Waxaa la reebay in lagu talax tago amaanta, waayo waa meelaha shaydaanku ka soo gali karo.

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-waa sayidka dadka Nabi Aadam cs ka farcamay oo dhan, hadalkiisa xadiiska ku soo aroorayse waa tawaaduc, iyo cabsi uu ka qabo inay dadku ku talax tagaan amaantiisa, oo xadkiisa dhaafiyaan'.

التصنيفات

Nabigenii Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.