(Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa)

(Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa)

Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiye inuu Nabigu scw yiri: (Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa).

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Albukhaari.]

الشرح

Nabigu scw wuxuu amrayaa in cilmiga kitaabka iyo sunada laga gaar siiyo dadka, in yarba ha ahaadee sida aayad quraana ama hal xadiisa, waxaana shardi ah inuu yaqaan waxa uu gaarsiinaayo oo uu dadka ugu yeerayo. Nabigu scw wuxuu cadeeyey inaan dhib ku jirin ka sheekaynta reer Banii Israa'iil wixii ku dhacay ee ay soo mareen waase wixii aan diinteena ka hor imaanaayn. Nabigu scw ka dib wuxuu ka digay qofkii si kas ah ugu been abuurta inuu naarta ka diyaarsado guri.

فوائد الحديث

Waxaa la is jeclaysiinayaa gudbinta shareecada Ilaahay, qofkana waxaa laga rabaa inuu guto wuxuu xafiday ee uu fahmay haba yaraatee.

Waa waajib in cilmiga sharciga ah la raadiyo oo la barto, si qofka ay ugu suuro gasho inuu Ilaahay uu caabudo oo diinta Ilaahay si saxa u gaarsiiyo.

Waxaa waajib ah in la hubiyo sugnaanta xadiis kasta intaan la baahin ama dadka la gaarsiin, taasoo ah digtooni laga qabo inaan la soo galin goodigaas adag.

Waxaa la isku boorrinayaa in hadalka run laga sheego lagana foojignaado tabinta warka, si aan loogu dhicin beenta, gaar ahaana markay tahay xaga diinta Ilaahay casa wajala.

التصنيفات

Muhimada Sunada iyo Makaanadeeda, Xugunka dadka oo diinta loogu yeero