إعدادات العرض
Maaha Qofka Qaraabada xiriiriya midka marka la xiriiriyo uun Qaraabada xiriiriya, laakiin kan Qaraabada xiriiriyaa waa midka marka Qaraabadiisu goyso xiriiriya
Maaha Qofka Qaraabada xiriiriya midka marka la xiriiriyo uun Qaraabada xiriiriya, laakiin kan Qaraabada xiriiriyaa waa midka marka Qaraabadiisu goyso xiriiriya
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Maaha Qofka Qaraabada xiriiriya midka marka la xiriiriyo uun Qaraabada xiriiriya, laakiin kan Qaraabada xiriiriyaa waa midka marka Qaraabadiisu goyso xiriiriya".
الترجمة
ar bn bs en es fa fr id ru tl tr ur zh hi vi si ug ku ha pt ml my de ja ps as sq sv cs gu yo nl te sw ta prs bg ff hu kn ky lt or ro rw tg uz ak ne mos az wo om uk km bm rn ka mk sr el am mgالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: In Qofka buuxiyey xiriirinta Qaraabada oo wanaajiyaa maahan Qofka ixsaanka ku bixiya ixsaan. Balse kan dhab ahaan u xiriiriya ee si buuxda Qaraabada u xiriiriya waa kan hadii Qaraabadu goyso xiriiriya, hadii ay xumeeyaana u ixsaan fala.فوائد الحديث
Xiriirinta Qaraabada ee Sharci ahaan loo ictibaariyaa waa inaad xiriiriso Qofka ku gooya, oo aad cafido kan ku dulma, oo aad siiso kan kuu diida, ee ma aha xiriirku mid ku salaysan wax is dhaafsi iyo is abaal marin.
Xiriirinta Qaraabadu waa inaad gaarsiiso intii aad awoodo oo khayra, sida maalka, ducada, farida wanaaga, xumo ka reebida iyo wixii kale ee la mida, iyo ka difaacida wixii Shar ah.
التصنيفات
Bulshada Muslimka