qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrka sameeyey ajarkiisa

qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrka sameeyey ajarkiisa

Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Nabiga scw nin ayaa u yimid wuxuuna yiri: waan gaadiid beelaye gaadiid i saar, wuxuu ku yiri Nabigu scw: "kuuma heli karo", nin kalaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, anaa tusaaya qof saara, Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri-: "qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrka sameeyey ajarkiisa".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nin ayaa u yimid Nabiga scw wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii waxaan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur daartay Nabigu scw inaanu hayn shay uu fuuliyo, nin kale oo joogay ayaa yiri: Rasuulka Ilaahayow, anaa tusaya qof fuuliya, markaasaa Rasuulku scw u sheegay inuu ajarka la wadaagayo kan wax sadaqaystay waayo wuxuu tusay qof u baahan.

فوائد الحديث

Waxaa la isku boorinayaa in kheyrka la is ku tilmaamo.

In la isku booriyo khayrku waa asbaabta keenaysa bulshada muslimka ahi inay is kaashato oo ay is caawiso.

Waasicnimada fadliga Ilaahay sareeye.

Xadiiskani waa qaacido guud oo ay soo galayso acmaasha khayrka ah oo dhan.

Qofku haduuna dabooli karin baahida kan baryaya, waa inuu u tilmaamaa qof kale oo qayrki ah.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan