Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan

Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: "Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan".

[Xadiis Xasan ah] [Waxa wariyay Abuu Daa'uud]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu reebay in guryaha lugu tukan waayo oo laga dhigo sida qabuurta aan lagu tukan oo kale. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in lagu celceliyo siyaarada Qabrigiisa oo si joogto ah loogu kulmo qabriga oo caado laga dhigto, waayo taasi waxay noqonaysaa dariiq shirki gaarsiiya qofka. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in lagu saliyo meel kastoo dhulka laga joogo, waayo saligu wuu isoo gaarayaa qofka dhaw iyo qofka fogba isku si ayuu ii soo gaarayaa, loomana baahana in lagu noqnoqdo qabrigiisa.

فوائد الحديث

Waa la reebay inaan guryaha lagu samayn cibaadada Ilaahay sareeye.

Waa la reebay in loo safro qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo wuxuu faray in lagu saliyo wuxuuna sheegay in saligu gaarayo, waxaase loo qasdayo oo loo safrayo waa Masjidka Nabiga iyo in lagu soo tukado.

Waa la xarimay in qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee laga dhigo ciid, taaso ah in si gaara iyo waqti gaara lagu celceliyo siyaarada, waxaa la mida qabri walba in sidaa lagu sameeyo.

Maamuuska Ilaahay siiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa tusaaya in Sharci looga dhigay in lagu saliyo goor walba iyo meel walba.

Qabriga in lagu tukado reebideeda waxaa go'aamiyey asxaabta Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, sidaa darteed wuxuu reebay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in guryaha laga dhigo sida qabuurta oo kale oo aan lagu tukan.

التصنيفات

Fadliga Camalka Saalixa ah