إعدادات العرض
kama uu tagin malakul Jibriil inuu jaarka ii dardaarmayo, ilaa aan u maleeyey inay is dhaxlayaan
kama uu tagin malakul Jibriil inuu jaarka ii dardaarmayo, ilaa aan u maleeyey inay is dhaxlayaan
Waxaa laga wariyey Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiba inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "kama uu tagin malakul Jibriil inuu jaarka ii dardaarmayo, ilaa aan u maleeyey inay is dhaxlayaan ".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands Hausa ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Malagasy тоҷикӣ Oromoo Wolof Български Українська Tagalog Azərbaycan ქართული bm Lingala Македонскиالشرح
Rasuulku scw wuxuu sheegay in malakul Jibriil uusan ka tagin inuu ku celceliyo oo uu amrayo jaarka ilaalintiisa, kaasoo ah guriga u dhaw, xataa haduu yahay muslim, gaal, qaraabo, ama shisheeye waa in la ilaaliyo xaqiisa oo aan la dhibin, waa in loo ixsaan falo oo lagu sabro dhibkiisa, ilaa uu u maleeyey Nabigu scw markuu arkay sida uu u wayn yahay xaqa jaarku oo uu ugu celcelinaayo Jibriil ayuu u maleeyey in waxyi ku soo dagi doono in la siiyo xoolaha uu ka tagi doono markuu dhinto.فوائد الحديث
Jaarka xaqiisu aad ayuu u wayn yahay waana waajib in la ilaaliyo.
Adkaynta xaqa jaarka oo laga dardaarmay waxay keenaysaa inay daruuri tahay in jaarka la xurmeeyo, lana jeclaado, lana wanaajiyo, lagana daayo dhibka, lana soo booqdo markuu buko, oo loo hambalyeeyo markuu faraxsan yahay, loona tacsiyeeyo markii musiibo ku dhacdo.
Mar kastoo albaabka darisku kugu dhawaado xaqiisu waa wayn yahay.
Shareecada kaamilnimadeeda waxay la timid waxay ku jirto bulshada wanaageedu sida in dariska loo ixsaan falo oo dhibka laga daayo.
التصنيفات
Sulxiga iyo axkaanta jaarka