إعدادات العرض
qor Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane
qor Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane
Cabdullaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan qori jiray wax kastoo aan ka maqlo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee anoo raba inaan xifdiyo, waxaa ii diiday arinkaa quraysh, waxayna i dheheen: ma waxaad Rasuulka ka qoraysaa wax kasta oo aad ka maqasho, Rasuulkuna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa bashar oo caro iyo caro la'aanba wuu hadlayaa?, waan joojiyey qoraalkii, waxaanan u sheegay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu afka ku fiiqay fartiisa, wuxuuna yiri: "qor Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane."
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली മലയാളം Bosanski ಕನ್ನಡ Kurdî Oromoo Română Shqip Српски Українська Wolof Moore Tagalog Malagasy தமிழ் Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyar Português Deutsch Македонски Русский bmالشرح
Cabdullaahi Binu Camar wuxuu yiri: Allaha ka raali ahaadee waxaan ka qori jiray Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax kastoon ka maqlo, si aan qoraalka ugu xifdiyo, rag quraysh ka mida ayaa ii diiday, waxay i dheheen: Rasuulku waa bashar oo wuu hadlayaa isago caraysan ama faraxsan wuuna gafi karaa ee ka jooji qoraalka. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u sheegay waxay igu dheheen ragaasi, wuxuuna ku ishaaray fartiisa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee afkiisa, wuxuuna yiri: qor, Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee waxan xaq ahayni kama soo boxo xaalad walbee, caro iyo caro la'aanba. Ilaahay sareeye wuxuu ka yiri Nabigiisa scw: "Nabigu hawadiisa kama hadlo * ee wuxuu ku hadlaa waxyi loo waxyooday" [suurada Anajm 3-4].فوائد الحديث
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, macsuum ayuu ku yahay Diinta Rabigiis uu ka gaarsiinayo dadka, markuu ku jiro caro iyo faraxba.
Asaxaabtu aad bay ugu dadaali jireen ilaalinta iyo xifdinta sunada Rasuulka scw iyo gaarsiinteeda.
Dhaartu way banaan tahay marka aanad u dhaaranayn wax dan ku jirto, sida adoo adkaynaya arin.
Cilmiga oo la qoro waa asbaabta ugu muhimsan ee lagu xifdiyo cilmiga.