إعدادات العرض
Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryam, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa
Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryam, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryam, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە Hausa ไทย دری Български Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek Akan नेपाली Moore Azərbaycan Wolof Oromoo Українська bm km rn ქართული Македонски Српски Ελληνικάالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in xadka sharciga ah la dhaafiyo amaantiisa oo lagu sifeeyo sifaadka Ilaahay iyo ficilka Ilaahay u gaarka ah, ama in lagu sheego inuu og yahay qaybka, ama Ilaahay lala baryo, sida ay nasaaradu ku samaysay Ciise Ibnu Maryam nabadi korkiisa ha ahaatee. Ka dib wuxuu cadeeyey inuu yahay Adoon Ilaahay, wuxuuna faray inaan isaga ku niraahno: Adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii.فوائد الحديث
Waxaa laga digayaa in la dhaafo xadka sharciga ah ee weyneynta iyo amaanta, waayo taasi waxay keenaysaa shirki.
Arinkii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka digay way ku dhacaday ummaddani, oo qolo waxay ku xad gudubtay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, qolona waxay ku xad gudubtay Aalu Baytka, qolona waxay ku xad gudubtay owliyada Ilaahay, markaasay ku dheceen shirki.
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu naftiisa ku sifeeyey inuu yahay Adoon Ilaahay, si uu u cadeeyo inuu yahay Adoon Ilaahay Rabi u yahay, oo aysan banaanayn in la siiyo wax Ilaahay u gaara.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku sifeeyey naftiisa inuu Rasuul Ilaahay yahay, si uu u cadeeyo in xaga Ilaahay laga soo diray oo ay waajib tahay rumayntiisu iyo raacidiisu.
التصنيفات
Towxiidka Ilaahnimada