إعدادات العرض
Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa
Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa
Jaabir Binu Cabdulaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa".
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tagalog ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Русский Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands සිංහල ไทย دری Български Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek Akan नेपाली Moore Azərbaycan Wolof Oromoo Українська bm km rn ქართული Македонски Српски Ελληνικάالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka dhinta isagoo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin wuxuu ku dambaynayaa Janada, xataa hadiiba loo cadaabo dabmiyo uu galay, qofkase dhinta isagoo u shariig yeelaya Ilaahay kaasi Naarta ayuu ku waarayaa.فوائد الحديث
Fadliga towxiidka, iyo inuu sabab u yahay in qofku kaga badbaadayo Naarta ku waarideeda.
Adoonku waa u dhaw yahay Janada iyo Naarta , waxaan dhimashada ahayna kama xigaan labadaas.
Waxaa laga digayaa shirkiga kiisa yar iyo kiisa badanba, waayo in Naarta laga badbaado waxay ku xiran tahay shirkiga oo laga fogaado.
Camalka aqbalaadiisu waxay ku xiran tahay khaatumada.