Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso

Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee inuu yiri: "Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Albukhaari]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka naftiisa raacsiiya hawadeeda wuxuu ku helayaa Naarta. Janada waxaa lagu wareejiyey waxyaabaha naftu dhibsato, sida joogtaynta wixii Ilaahay amray, iyo ka tagida xaaraanta iyo arinkaas oo lagu sabro, haduu qofku naftiisa ku jihaado wuxuu ku helayaa Janada.

فوائد الحديث

Sababaha loogu dhoco shahawaadka waxaa ka mida in shaydaanku u qurxiyo Munkarka iyo waxa xun, ilaa ay naftu u aragto wax wanaagsan oo ay u leexato.

Waxaa la farayaa dadku inay ka fogaadaan shahawaadka xaaraanta ah, waayo waa dariiq Naarta geynaaya, waxa kaloo la is farayaa in lagu sabro khayrka ay naftu dhibsato, waayo waa dariiqa Janada geynaaya.

Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga uu leeyahay nafta oo lala jihaado iyo cibaadada oo lagu dadaalo oo lagu sabro waxa naftu nacayso iyo mashaqada cibaadada ku xeeran.

التصنيفات

Sifooyinka Janada iyo Naarta