Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay

Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabbihiiye wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri "Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay.

[Xadiis Xasan ah] [Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo Axmed]

الشرح

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofkii isku ekaysiiya qolo gaalo ah ama faasiqiina ama saalixiina isagoo samaynaya wax ka mida wixii lagu yaqaanay, sida caqiidada, cibaadada iyo caadooyinka iyaguu ka mid yahay, waayo oogada oo ay isaga ekaadaan waxay keenaysaa inay gudaha isaga ekaadaan, shakina malaha in hadii qolo la isu ekaysiiyo ay ka imaanayso inay cajabiyeen, taaso keeni karta inuu jeclaado oo wayneeyo oo uu ku dhex jiro, taaso qofka u keeni karta inuu uga ekaado xaga gudaha iyo cibaadada, Ilaahay ayaan ka magan galnaye.

فوائد الحديث

Waxaa laga digayaa isku ekeysiinta gaalada iyo faasiqiinta.

Waxaa la isku boorinayaa isku ekaysiinta saalixiinta iyo ku dayashadooda.

Dusha oo la isaga ekaado waxay dhaxal siinaysaa uurka la iska jeclaado.

qofku goodiga iyo danbiga wuxuu ka qaadanayaa hadba sida uu yahay isu ekaysiintiisu iyo nooca ay tahay.

waxaa la iska reebay in la isu ekaysiiyo gaalada diintooda iyo caadooyinkooda u gaarka ah, wixiise aan intaas ahayn sida in laga barto farsamada iyo wixii la mida ma soo galayaan reebitaankaas.

التصنيفات

Isu ekeysiinta la reebay