Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta

Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta

Abii Ayuub Alansaari -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: " Markaad xaaraysaan ha u jeensanina qiblada, hana u daba jeedinina qiblada, laakiin bari iyo galbeed u jeesta" wuxuu yiri Abuu Ayuub: waxaan tagnay shaam waxaan ka helnay musqulo loo jeediyey xaga qiblada waanan ka leexanaynay, Ilaahayna waan danbi dhaaf waydiisanayney

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka reebay qofkii xaaraya ama kaadinaaya inuu qiblada ama xaga kacbada u jeesto ama uu u daba jeediyo qiblada oo uu dhabarkiisa ka dhigo qiblada, laakiin qofku uu u jeesto xaga bari ama xaga galbeed hadii qibladiisu tahay sida qiblada reer madiina oo kale. Ka dib Abuu Ayuub-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay markii ay tageen Shaam inay ugu tageen musqulo loo diyaariyey in lagu xaajaysto oo loo jeediyey xaga Kacbada, waxayna jirkooda ka jeedin jireen qiblada, sidaas oo ay tahay ayey Ilaahay dambi dhaaf waydiisan jireen.

فوائد الحديث

Xikmada ku jirta arinkaa waa wayneynta Kacbada sharafta leh iyo ixtiraamkeeda.

Istiqfaartu waa marka laga boxo meesha lagu xaajo gudanaayo.

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-si fiican ayuu wax u barayey dadka, waayo markuu sheegay wixii la diiday ayuu dadka u sheegay waxa u banaan.

التصنيفات

Suulinta Najaasooyinka, Aadaabta xaajo gudashada