إعدادات العرض
Ummaddayda oo dhan Janaday gelaysaa qofka iska diida mooyee
Ummaddayda oo dhan Janaday gelaysaa qofka iska diida mooyee
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Ummaddayda oo dhan Janaday gelaysaa qofka iska diida mooyee ", waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, yaa diidaya? wuxuu yiri: "qofka i adeeca Janaduu gelayaa, kan i caasiyana waa Qof diiday Janada".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Malagasy тоҷикӣ Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan ქართული bm Македонски Ελληνικά kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ummaddiisu dhamaan Janada gelayso Qofkii iska diida mooyee! Asaxaabtu Allaha ka raali noqdee waxay yiraahdeen yaa diidaya Rasuulkii Ilaahayow.?! Wuxuu ugu jawaabey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: qofka u hogaansama ee raaca Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Janaduu gelayaa, Qofkase aan u hogaansamin Shareecada camalkiisa xun wuxuu ka dhigan yahay inuu diiday Janada gelideeda.فوائد الحديث
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo la adeeco waxay ka mid tahay Ilaahay adeecidiisa, Nabiga oo lagu caasiyona waxay ka mid tahay Ilaahay oo lagu caasiyey.
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo la adeeco waxay qofka u waajibinaysaa Janada, in la caasiyona waxay u waajibinaysaa Naarta.
Xadiiska waxaa ku sugn in loo bishaaraynayo kuwa Rasuulka adeecay ee ummaddaan ah, inay dhamaantood Janada gelayaan kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa caasiyey mooyee.
Xadiiska waxaa ku sugan in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ummaddiisa u naxariisan jirey kuna dadaali jirey hanuunkooda.