إعدادات العرض
Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, naar ayey leeyihiin maalinta qiyaame
Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, naar ayey leeyihiin maalinta qiyaame
Khawla Alansaariya Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, naar ayey leeyihiin maalinta qiyaame."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල Hausa ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Malagasy Български Українська Azərbaycan ქართული bm тоҷикӣ Македонски Ελληνικά kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dad si xaq daro ah ugu tagri falaan xoolaha muslimiinta, ku waasoo xaq daro ku qaadanaaya, waa arimaha xoolaha guud ahaaneed sida aruurintooda, in laga kasbo meel aan banaanayn iyo in lagu bixiyo meel aan sax ahayn, taas waxaa soo galaya cunida xoolaha agoonta, xoolaha waqafka ah, iyo amaanada oo la inkiro iyo in xoolaha dad waynaha xaqdaro lagu qaato. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in abaal marintoodu naar tahay maalinta qiyaame.فوائد الحديث
Xoolaha dadka gacantooda ku jira waa maal Ilaahay, oo isagu u dhiibtay, si ay ugu bixiyaan dariiq sharci ah, kana fogaadaan inay si qaldan u isticmaalaan, dadkoo dhan ayaa loo jeedaa madaxda iyo qayrkood oo dadka shacabka ah.
Sharcigu waa adkeeyey xoolaha dad waynaha, qofkii madax ka noqda wax ka mida xoolaha dad waynaha maalinta qiyaame waa lagu xisaabin meeshuu ka keenay iyo meeshuu ku bixiyey.
Goodigaas waxaa soo galaya qofka si qaldan u isticmaala xoolo ama kuwiis ha noqdeen ama kuwo qayrkiye.