Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo dadka ha cayrinina

Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo dadka ha cayrinina

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo dadka ha cayrinina".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in loo fududeeyo oo loo sahlo dadka oo aan lagu adkayn dhamaan arimaha Diinta iyo tan Aduunba, taasoo ah xuduuda Ilaahay baneeyey ee Shareecadiisu ogoshahay. Wuxuu ku dhiiri galinayaa dadku inay khayrka iyo wanaaga isugu bishaareeyaan oo aanay dadka ka eryin khayrka.

فوائد الحديث

Qofka Muuminka ah waxaa waajib ku ah inuu dadka Ilaahay jeclaysiiyo, khayrkana jeclaysiiyo.

Daaciga dadka Ilaahay ugu yeeraya waxaa ku haboon inuu qaab xikmadaysan ugu yeero dadka markuu Diinta Islaamka ugu yeerayo.

Bishaaraynta waxaa ka dhasha farxad, ogolaasho iyo in lagu kalsoonaado Daaciga, markuu dadka wax u sheegayo.

Adkayntuna waxay keentaa kala yaac iyo kala jeensi iyo in laga shakiyo hadalka Daaciga.

Naxariista balaran ee Ilaahay siiyey Adoomadiisa waxaa ka mida inuu uga raali noqday Diin fiican iyo shareeco fudud.

Fudaydinta la is faray waa mida Shareecada Islaamku la timid.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan