Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib )

Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib )

Abii Hurayra _Allaha ka raali noqde waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin indhoole ah, wuxuuna ku yidhi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rasuulka Ilaahayow, mahaysto qof Masaajidka ii kaxeeya oo Gacanta i qabta, wuxuuna weydiistay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u ogolaado inuu Gurigiisa Salaada ku tukado, waanu u ogolaaday Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, laakiin makuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:" Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib ).

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nin indhoole ah ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo Qof i caawiya oo Gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, Salaadaha Shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: Aadaanka Salaada ajiib.

فوائد الحديث

Salaada Jamaacadu waa waajib, waayo rukhsada waxaa laga qaataa uun shay waajib ah.

Hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee ah (Ajiib dhawaqa) Qofka maqalaya Aadaanka wuxuu ku tusayaa inay waajib tahay Salaada Jamaacada ahi, waayo amarka asalkiisu waa waajib.

التصنيفات

Fadliga Salaada Jamaacada iyo Axkaanteeda