dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo

dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo

Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri: "dhib majiro is dhibidna majirto, qofka dadka dhiba Ilahay ayaa dhiba, qofka dadka ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeyo ".

[Xadiis Saxiix ah, marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray] [Waxaa wariyay Ad-aaraqudni]

الشرح

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in qofku ka joojiyo naftiisa iyo dadka kaleba dhibka nooca uu yahayba iyo qaab uu yahayba qofna uma banaana inuu dhibo naftiisa ama cid kale midna. Qofna uma banaana inuu dhib ka hor geeyo dhib kale waayo dhib laguma joojiyo dhib kale, inay qisaas aan lagu xadgudbayn tahay mooyee. Ka dib Nabigu scw wuxuu cadeeyey in loogu goodiyey qofka dadka dhiba in la dhibidoono, oo qofka dadka ku adkeeya lagu adkayndoono.

فوائد الحديث

Waxaa la reebay in qofku xadka ka baxo oo wixii loo gaystay wax ka badan uu gaysto.

Ilaahay ma amrin adoomadiisa wax dhibaaya.

Waa la xarimay dhibka iyo in la isku dhibaateeyo hadal, ficil ama ka tagidba.

Abaal marintu waa nooca camal ku yahay, qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, qofkii ku adkeeyana Ilaahay ayaa ku adkeeya.

Arkaanta shareecada waxaa ka mida: " dhib waa la joojiyaa ", shareecadu ma ogola dhib, wayna diidaysaa is dhibaataynta.

التصنيفات

Qawaacida Fiqiga iyo Usuusha