إعدادات العرض
, aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah
, aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah
Annas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Anagoo masaajidka la fadhina Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nin riti fuushan la soo galay masjidka, wuxuu ritigii ku arumay masjidka, ka dibna masjidka ayuu ku xirtay, ka dib dadkii wuxuu ku yiri: kiineeba ah Maxamed? Nabigun scw asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay, markaasaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii wuxuu Nabiga ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku ajiibay. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku waydiinayaa waana kugu adkaynayaa su'aasha ee ii dul qaado? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad rabto I waydii, wuxuu yiri: Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysay ayaan kugu dhaariyee, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka oo dhan? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan tukano shan salaadood habeenkii iyo Maalintii? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan bil ka soono sanadka? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan sakada ka qaadno intayada qaniga ah una qaybino intayada saboolka ah? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: waan rumeeyey waxaad la timid, ana rasuul baan u ahay kuwa iga dambeeya , aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah.
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Kurdî Wolof Français Oromoo Azərbaycan Tagalog Українська தமிழ் bm Deutsch ქართული Português Македонски Magyar Русский 中文 فارسی kmالشرح
Anas Binu Maalik Allaha ka raali Noqde wuxuu sheegay iyado Asxaabtu la fadhiyaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee masaajidka, ayaa nin rati fuushan la soo galay oo ritigii arumay ka dibna xiray. Ka dibna wuu waydiiyey Asxaabta: kiineebaa ah Maxamed? Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay , waxaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu ku yiri: waan ku maqlayaaye i waydii waan kuu jawaabine. Ninkii wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waan ku waydiin waana kugu adkayne ha igu xanaaqin. macnaha: ha ii caroon oo ha i dhibsan. Nabigu wuxuu ku yiri-: i waydii waxaad rabtid. wuxuu yiri: waxaan kugu dhaariyey Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysaye, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka? wuxuu ku yiri: Allahayow haa, isagoo adkaynaaya runtiisa. Ninkii ayaa yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaan tukano salaadaha shanta ah maalinta iyo habeenka? waana salaadaha faralka ah, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku amray inaan ka soono bishan sanadka? waa bisha Ramadaan, wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariye, ma Ilaahay baa ku amray inaad ka qaado sadaqada kuwayaga qaniga ah oo aad u qaybisid kuwayaga saboolka ah? waana sakada, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Allahayow haa, Damaam wuu Islaamay, wuxuuna u sheegay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu ugu yeeri doono tolkii diinta islaamka, wuuna isa sheegay inuu yahay Damaam Binu Thaclabata, oo reer banii Sacad banii Bakar ah.فوائد الحديث
Waxaa cad Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawaaduciisa, waayo ninku wuxuu kala garan waayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo asxaabta.
Waxaa cad Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo sida naxariista leh ee uu ugu jawaabay ninka wax waydiinayey, in si fiican loo jawaabona waxay sabab u noqonaysaa in la aqbalo dacwada.
Way banaan tahay in ninka lagu sheego sifooyin sida cadaanka, casaanka, dheerida, gaabnida, iyo wixii la mida ee aan looga jeedin ceeb, haduuna dhibsanayn.
way banaan tahay in Gaalku Masaajidka dan u soo galo.
Xadiiska laguma sheegin Xajka waxaana laga yaabaa inaan la waajibin waqtiguu imaanayey.
Asxaabtu way ku dadaaleen inay dadka ugu yeeran dacwada, isla markuu islaamayba wuxuu ku dadaalay inuu tolki ugu yeero diinta.