Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila

Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila

Carfaja Allaha ka raali ahaade wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay scw waxaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu wuxuu cadeeyey muslimiinta oo ku midaysan hal nin oo xukuma, iyo aragti kaliya, ka dibna uu u yimaado mid doonaya inuu xukunka kula diriro, ama raba inuu muslimiinta u kala jabiyo kooxo badan, waxaa waajib ku ah muslimiintu inay u diidaan oo la diriraan , iyadoo laga hortagaayo sharkiisa iyo musliniinta dhiigooda oo la ilaalinayo.

فوائد الحديث

Waxaa waajib ah in la maqalo oo lagu adeeco ninka muslimiinta xukuma wixii aan macsi ahayn. waana xaaraan in lala dagaalamo.

Cida la dagaalanta ninka muslimiinta xukuma iyo bulshada la jirtya waxaa waajib ah la la dagaalo,siduu doono ha u sareeyo

maqaamkiisu iyo qabiilkiisuye.

Waxaa dadka lagu boorinayaa inay midoobaan oo aanay kala tagin oo is khilaafin.

التصنيفات

Imaamka oo lala dagaalo