إعدادات العرض
Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene
Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene."
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Albukhaari]
الترجمة
ar bn bs en es fa fr id ru tl tr ur zh hi vi ku ha pt ml te sw my de ja ps as sq sv cs gu yo nl ug si ta prs ff hu kn ky lt or ro rw sr uz mos ne wo bg uk az ka tg bm mk el km am mg omالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay xaaraan tahay in dadka dhintay la caayo iyo in sharaftooda wax laga sheego, taasina waa akhlaaq xumo, waayo waxay heleen waxay hor marsadeen ee acmaal fiican ama xun ahaa, caydaasina iyaga ma gaarayso ee waxay dhibaysaa kuwa nool.فوائد الحديث
Xadiiskani wuxuu daliil u yahay inay xaaraan tahay cayda dadka dhintay.
In la iska daayo cayda dadka dhintay waxaa ku jira ilaalinta danta dadka nool, iyo ka ilaalinta Bulshada cadaawadda iyo is nacaybka.
Xikmadda loo reebeyo cayda dadka dhintay waa inay la kulmeen wixii ay hor marsadeen, caydooduna waxba matarayso, waxayna dhib ku tahay qaraabadooda nool.
Ma haboona dadku inay ku hadlaan wax aan maslaxadi ku jirin.