إعدادات العرض
Ilaahay ma eegayo sawiradiina iyo xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa quluubtiina iyo camalkiina
Ilaahay ma eegayo sawiradiina iyo xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa quluubtiina iyo camalkiina
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: "Ilaahay ma eegayo sawiradiina iyo xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa quluubtiina iyo camalkiina ".
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan bm ქართული Македонскиالشرح
Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay uusan eegayn sawirada dadka iyo jirkoodu, inay quruxsan yahay ama fool xun yahay ama wayn yahay ama yar yahay ama caafimaad qabo ama jiran yahay. Ilaahay ma fiirinaayo hantidoodu, ma badan tahay mise way yar tahay? Ilaahay casa wajala uma qabanaayo oo ku xisaabin maayo arimahaas sida ay ugu kala duwan yihiin, laakiin wuxuu eegayaa quluubtooda iyo waxa ku jira ee taqwo, yaqiin, run, iyo ikhlaas ah, ama inuu u sameeyey is tustus iyo halagaa sheego, Ilaahay wuxuu eegayaa camalkoodu inuu fiican yahay iyo inuu xun yahay, taasuuna ku ajar siin kuna abaal marin.فوائد الحديث
Waa in qalbiga la ilaaliyo oo la islaaxiyo, oo laga sifeeyo sifo walba oo xun.
Qalbiga waxaa lagu islaaxiyaa ikhlaaska, camalkana waxaa lagu islaaxiyaa raacida Nabiga scw, labadaas ayaa Ilaahay eegayaa oo lagu qiimaynayaa.
Qofku yaanu ku kadsoomin xoolahiisa, quruxdiisa, jirkiisa iyo shay walba oo ka mida quruxda aduunka.
Waa laga digayaa in lagu gaabsado waxa oogada ka muuqda iyadoo aan la islaaxin wixii uurka jira".