إعدادات العرض
Allahayow Qofkii Madax u noqda Ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka Madax u noqda Ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso
Allahayow Qofkii Madax u noqda Ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka Madax u noqda Ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo ku dhahaya gurigaygan dhexdiisa: "Allahayow Qofkii Madax u noqda Ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka Madax u noqda Ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso."
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली тоҷикӣ Oromoo Wolof Malagasy Български Українська Azərbaycan ქართული bm Македонски Ελληνικά kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu habaaray Qofkastoo Madax ka noqda arimaha Muslimiinta hayaraado arinkaasi ama ha weynaadee, Madaxtinimadaasi ha noqoto mid guud ama mid kooban ee gaara, Qofkaasoo Madaxtinimadiisa dadka ku dhibaateeya, oo aan u naxariisan, Ilaahay wuxuu ku abaal marin camalkii uu sameeyey noociisa, wuuna ku adkayn. Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.فوائد الحديث
Waxaa ku waajib ku ah Qofka Muslimiinta arimahooda shay ka mida Madax ka noqda inuu u naxariisto intuu kari karo.
Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalku yahay.
Miisaanka lagu cabiraayo naxariista ama adakaynta waa wixii aan khilaafsanayn Kitaabta iyo Sunada.